(Sawirro) Saraakiil British ah oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka

Taliyaha Qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Maxamed Shekh Abdulaahi Xiirow ayaa tababar u soo xiray cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka oo muddo labo bil ah tababar uga socday Dugsiga Tababarka ciidanka Dowlada Ingiriiska ay ku leedahay Baydhabo.

Waxaa tababarkan mudada uu socday bixinayay Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Ingiriiska, Ciidankan ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqdaan howlgaladda lagu xaqiijinayo Amniga dalka gaar ahaan goboladda Koonfur Galbeed oo haatan Wadooyinkooda ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Xiritaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiradda Amniga, Warfaafinta, Tamarta iyo Biyaha Sarakiisha ciidanka Booliska Milateriga iyo Marti Sharaf kale.

Cutubyadan Maanta Tababarka loo soo xiray ayaa soo Bandhigay habka loo fuliyo howlgaladda iyo sida la isaga difaaco weeraradda gaadmada ah.

Taliyaha qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Abdulaahi Xiirow ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Madaxda Safaaradda Dowlada Ingiriiska ay ku leedahay Soomaaliya, sida ay mar walba ay u garab taagan yihiin Dowladda Somaaliya, isagoo ciidanka kula dardaarmay in tababarka ay qaateen ay ku dabaqaan shaqadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -